Sunday, October 18, 2026

Golaha Shacabka Oo Taliyayaasha Ciidamada kala Hadlay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo looga hadlay Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas, ayaa shir-guddoomiyay kulanka, waxaana Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida laga dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka.

Dood iyo wada-tashi kaddib, waxaa la isku raacay in talooyinka iyo aragtiyada ay soo jeediyeen Taliyayaasha Ciidamada lagu daro Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, maadaama uu muhiim u yahay xoojinta difaaca iyo amniga dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, iyadoo la tixgelinayo aragtida iyo khibradda hoggaanka ciidamada si loo helo sharci waafaqsan baahiyaha difaaca Soomaaliya.