Wednesday, October 21, 2026

Hanti-dhawrka Somaliland Oo Shaaciyay Goldaloolooyinka Lacageed Oo Gaaraya 6.2 milyan Dollar.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in baadhis lagu sameeyey xisaab-xidhka 106 hay’adood oo dawladeed sannadkii 2025 lagu ogaaday goldaloolooyin dhinaca sharciga iyo habraacyada ah, kuwaas oo qiimahoodu gaadhayo 6.2 milyan oo Dollar.

Hanti-dhawrka ayaa sheegay in miisaaniyadda la baadhay ay dhan tahay 254.5 milyan oo Dollar, halka goldaloolooyinka la ogaaday ay ka yihiin boqolkiiba 2.44.

Sidoo kale, Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa caddeeyey in warbixinta rasmiga ah ee xisaab-xidhka 2025 loo gudbiyey Golaha Wakiillada 30-kii Agoosto 2026, isla markaana ay weli sugayso ansixinta Golaha.

Hanti-dhawrku waxa uu bulshada uga digay in lagu degdego faafinta iyo falanqaynta nuqullo aan rasmi ahayn oo warbixinta ka mid ah, isaga oo sheegay in warbixinta rasmiga ah la shaacin doono marka Golaha Wakiilladu ansixiyo.