Thursday, August 27, 2026

12 Qof Oo ku Dhintey Dab Xoogan Oo ku Fiday keymaha Dalka Aljeeriya.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintey, 54 kalena way ku dhaawacmeen dab xoogan oo ku fidaya keymaha qaar kamid ah gobolada Dalka Aljeeriya.

Maamulka Aljeeriya waxay sheegeen in hal maalin gudaheed ay diwaangaliyeen 154 dab oo ka kacay keymo kala duwan oo ku yaala dhowr gobol oo dhaca waqooyi-bari ee dalkaasi.

Dadka ayaa laga daad gureynayaa guryahooda si loo badbaadiyo, kuleylka oo aad u daran ayaana kamid ah waxyaabaha xaalada uga sii daraya, xili ay korotadu ka go’day deegaano badan oo hoos taga goboladaasi.