Thursday, August 27, 2026

Sacuudiga Oo Isku Diyaarinaya Dagaal ka Dhan ah Xuutiyiinta Iyo Kuwait Oo Heshiis Difaac la Gashay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa u muuqda inuu isku diyaarinayo dagaal cusub oo uu la galayo Xuutiyiinta Yemen,ka dib toddobaadyo ay Xuutiyiintu kordhiyeen weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta Sacuudiga, garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka,sida uu maanta baahiyay wargeyska New York Times.

Warbixintan ayaa intaa ku dartay haddii Sacuudigu si militari ah u wajaho Xuutiyiinta, dagaalka Yemen uu isu beddeli karo furin cusub oo ka mid ah dagaalka ballaaran ee Bariga Dhexe.

Dhinaca kale Kuwait ayaa Qaaday Jidkii Sacuudiga, Iyadoo maanta heshiis Difaac iyo wada shaqeyn Milatari la Gaartay Pakistan.

Heshiiskan ayaa lagu sheegay inuu xoojinayo xiriirka milatari ee labada dal, waxaana ka mid ah tababarro, dhoollatusyo wadajir ah, is-weydaarsiga khibradaha iyo iskaashi dhinacyada difaaca ah,tallaabadan oo waddada u xaaraysa inay Kuwait ku biirto heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka,sida ay werisay Al Arabiya.