Wednesday, October 7, 2026

Dawlada Itoobiya Oo Xaqiijisay In ciidanka Eritrea soo Galeen Dhulkeeda

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Itoobiya ayaa xaqiijisay ciidanka Eritrea inay gudaha usoo galeen dhulka Itoobiya , iyadoo dalbatay in ciidamadaas si degdeg ah looga saaro.

Enatalem Melese, oo ah wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ayaa warbaahinta Bloomberg u sheegtay:

“Dhammaan ciidamada shisheeye ee ka sugan gudaha dhulkeenna madax-bannaan waa inay si degdeg ah uga baxaan. Gaar ahaan, ciidamada Eritrea ee ka hawlgala Tigray waa inay dib uga baxaan dhulka Itoobiya.”

Ma aysan sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadayso Itoobiya, haddii ciidanka Eritrea ay sii joogaan dhulka Itoobiya, balse waxa cad xiisadda Itoobiya iyo Eritrea inay joogto meeshii ugu khatarta badnayd.