Hindise-sharciyeed cusub oo Congress-ka Maraykanka loo gudbiyey ayaa diiradda saaraya fududaynta safarka iyo maalgashiga muwaadiniinta iyo ganacsiyada Maraykanku marka ay la macaamilayaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Hindise-sharciyeedkan oo tirsigiisu yahay H.R. 10461 ayaa Golaha Wakiillada Maraykanka loo gudbiyey 16-kii bishan Sebtembar 2026, waxaana cinwaankiisa rasmiga ah lagu qeexay in la horumariyo awoodda muwaadiniinta iyo ganacsiyada Maraykanka si ay ugu safraan Somaliland, una maalgashadaan Somaliland.
Hindisahan waxa soo gudbiyey Xildhibaan Christopher H. Smith, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka, lagana soo doortay gobolka New Jersey, gaar ahaan degmada 4-aad ee Congress-ka.
Hindisahan cusub ayaa loo gudbiyay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Maraykanka, oo ah guddiga masuulka ka ah arrimaha siyaasadda dibadda iyo xidhiidhada caalamiga ah.
Hindisahan ayaa imanaya xilli ay Somaliland iyo Maraykanku si weyn u kordhinayeen doodaha ku saabsan xidhiidhka siyaasaddeed, amni iyo dhaqaale ee labada dhinac. Waxa kaloo uu si gaar ah u tilmaamayaa in hindisuhu diiradda saarayo safarka iyo maalgashiga, kaas oo yeelan kara muhiimad ku saabsan sida muwaadiniinta iyo shirkadaha Maraykanku ula macaamili doonaan Somaliland.
Xeerarka la soo jeediyay ee ilaa hadda Congresska soo gaadhay waa:
𝐇.𝐑.𝟏𝟎𝟒𝟔𝟏 To improve the ability of United States citizens and businesses to travel to and invest within Somaliland – 2026
𝐇.𝐑.𝟕𝟗𝟗𝟑 Somaliland Economic Access and Opp Act – 2026
𝐇.𝐑.𝟓𝟑𝟎𝟎 Department of State Policy Provisions Act – 2025
𝐇.𝐑.𝟑𝟗𝟗𝟐 Republic of Somaliland Independence Act – 2025
𝐇.𝐑.𝟑𝟗𝟗𝟐 Republic of Somaliland Independence Act – 2024
𝐒.𝟑𝟖𝟔𝟏 Somaliland Partnership Act – 2022
𝐇.𝐑.𝟕𝟏𝟕𝟎 Republic of Somaliland Independence Act – 2022″
