Iiraan ayaa sheegtay inaysan oggolaan doonin iskuday kasta oo lagu weerarrayo goobaha barakeysan ee Muslimiinta gaar ahaan Makka, Madiina iyo Masjidka Al-Aqsa.
Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan oo ay baahisay Al Jazeera, ayaa lagu sheegay mabaadi’da ay ku dhisantahay Iiraan inay ugu horreyso difaaca goobaha barakeysan.
Warsaxaafadeedka waxaa kaloo lagu yiri; “In la yiraahdo ‘diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ku sii jeeday Maka, waana la qabtay’ keliya, ma ahan caddeyn ku filan oo lagu oran karo dhinac gaar ah ayaa weerarka ka dambeeyay.”
