Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Mojtaba Khamenei ayaa soo saaray fariin cusub oo uu kaga hadlayo heshiiskii ay la agleen Mareykanka.
“Anigu, mabda’ ahaan, waxaan qabay aragti ka duwan tan; hase yeeshee, maadaama madaxweynaha sharafta leh ee Iran — isagoo ah madaxa Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka — uu ii ballanqaaday isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xubnaha kale ee golaha, in la ilaalin doono xuquuqda shacabka Iran iyo tan Jabhadda Iska-caabbinta, .”isla markaana uu si cad u aqbalay masuuliyaddaas, waxaan bixiyey oggolaanshahayga.” ayaa lagu yiri fariinta.
Macnaha guud ahaan waa in Mojtaba Khamenei uu sheegayo inuusan markii hore taageersanayn heshiiska is-afgaradka.
Balse waxaa uu xusay uu oggolaaday kadib markii madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu si cad ugu ballanqaaday in xuquuqda shacabka Iran iyo danaha waxa uu ugu yeeray “Jabhadda Iska-caabbinta” la ilaalin doono, isla markaana uu qaadan doono masuuliyadda arrintaas.
