Iiraan Oo U Gudbisay Pakistan soo Jeedin Cusub Oo la Xiriirta Wadahadaladai Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Iran ayaa u gudbisay Maraykanka hindise cusub, iyada oo la sii marinayo Pakistan, wada xaajood ku saabsan dhamaadka ugu dambeeya ee dagaalka Bariga Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Tehran Jimcihii.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA ayaa tiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay soo bandhigtay hindiseheedii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka Pakistan, iyada oo sii marinaysa dhexdhexaadiyeyasha wadahadallada ay la leedahay Maraykanka”, saacadihii dhawaa ayey Iiraan shaacisay akhbaartan iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sida uu sheegay weriyaha ka tirsan Axios, Iran ayaa Khamiistii jawaabteeda u gudbisay Maraykanka iyada oo u sii marinaysa dhex dhexaadinta Pakistan ee ku saabsan wax ka bedelkii ugu dambeeyay ee Mareykanka.

Kadib markii xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Pakistan ay dhaqan gashay 8-dii Abriil, Islamabad waxay martigelisay wadahadallo dhex maray wufuud ka kala socotay Tehran iyo Washington, iyagoo doonayay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka ka dhashay weerarkii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran 28-kii Febraayo.

Wadahadallada oo ahaa hal wareeg ayaan wax heshiis ah laga soo saarin, waxaana wixii intaa ka dambeeyay uu hakad ku yimid wada xaajoodka, iyadoo Mareykanka uu xayiraad dhanka badda ah ku soo rogay dekedaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka Maraykanku uu weli xayiraad ku hayo xirayo marinka Hormuz ee isu socodka gaadiidka badda.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa Jimcihii shalay kulamo xiriir ah la yeeshay dhiggiisa dalalka Sacuudiga, Qatar, Turkiga, Ciraaq iyo Azerbaijan, wuxuuna kala hadlay “qorshayaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee lagu soo afjarayo dagaalka,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaraddiisa.