Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan raadin doonin oggolaansho ka timaadda Kongareeska si uu tallaabo militari uga qaado Iran, isagoo hoos imanaya sharciga loo yaqaan War Powers Resolution.
Trump ayaa sidoo kale ku tilmaamay dadka ku baaqaya in oggolaanshahaas la helo kuwa aan waddani ahayn, xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay awoodda madaxweynaha ee ku aaddan howlaha militari. 
Sikastaba ha noqotee waxa la dhaafay waqtigii lagu waday in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku heli lahaa ogolaanshaha Aqalka Congress-ka Mareykanka, si uu u sii wado dagaalka uu kula jiro Iiraan.
Sida ku cad Dastuurka Mareykanka, dowladdu waa inay heshaa oggolaanshaha Kongareeska muddo 60 maalmood gudahood ah marka madaxweynuhu uu Kongareeska ku wargeliyo weerar militari oo ka dhan ah Iiraan ama, haddii loo baahdo, uu joojiyo weerarka.
Ha yeeshee, Xoghayaha Difaaca Mreykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uusan u baahnayn inuu raaco qodobbada sharciga dagaalka, isagoo sabab uga dhigay in heshiiska xabad joojinta ee lala galay Iiraan ay si ku meel gaar ah u hakinayo dhammaan qodobbada sharcigan.
