13
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed loo doortey inuu noqdo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),oo ahaa gudoomiyha Baarlamaanka fadaraalka, sida uu ka sheegay magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Xoosh.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Baydhabo, halkaas oo lagu soo bandhigayay musharraxnimada Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo ay goobta ka muuqdeen mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo taageerayaal badan.


