Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed Somaliland, iyadoo Iran ku tilmaantay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu arrintaan ku tilmaamay mid caddeyn u ah, sida uu sheegay, qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay xasilooni-darro ku geliso dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qaybin ka dhex jirta waddamada gobolka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan.
Wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka caalamka inay ka hortagaan, sida uu sheegay, sharci-darrooyinka Israa’iil, fidinta saameynta, iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka kale.
