Warshadda Tamarta Nukliyeerka Ee Imaaraadka Carabta Oo la Qarxiyay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa maanta lagu qarxiyay xarunta tamarta nukliyeerka Barakah oo ku taala magaalada Abu-dabai ee dalka Imaaraadka Carabta oo loo aqoonsanyahay xarunta ugu weyn ee nukliyeerka korontada laga dhaliyo ee dalalka Carabta.

Weerarkan ayaa dab ka dhaliyay qaybo ka mid ah dhismaha xarunta , mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa , sida ay werisey wakaaladda wararka AP. iyadoo loo badinayo in Iiraan ka dambeyso weerarkan.

Bariga Dhexe ayaa degganaa maalmihii la soo dhaafay, inkastoo weerarkan uu dhaawacayo xabbadjoojintii jilicsanayd ee dagaalka Iiraan.