Wednesday, September 23, 2026

Iran Oo Sheegtay In Wasiir Araghchi Awood u Lahayn Go’aanada Wada-hadalada Markii Kulan la Yeeshay Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa warbixin ay maanta baahisay ku sheegtay in kulankii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, uu shalay New York kula yeeshay ergada Mareykanka, kaas oo la sheegay in looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Warkan Iran baahisay ayaa lagu sheegay In uusan haysan wasiirka oggolaanshaha hay’adaha Iiraan ee ku shaqada leh dejinta siyaasadda arrimaha dibadda, oo ay ku jirto Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.

Taas waxay ka dhigan tahay in wax kasta oo kulankaas lagu heshiiyay ama looga hadlay aysan si toos ah uga dhignayn go’aamo rasmi ah dhinaca Iiraan ka dhaqangeli kara, maadaama aysan haysan oggolaanshaha hay’adaha awoodda u leh inay go’aannada noocaas ah ansixiyaan.