Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in Mareykanku adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee B-1 oo ku sugnaa saldhigga ciidamada cirka Britain ee Fairford, si uu weerarro ugu qaado Iran.
IRGC ayaa London uga digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado weerar ka dhan ah dhulka Iran uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah.”
Bayaan ay soo saartay IRGC ayaa lagu sheegay in Mareykanku adeegsaday diyaaradahaas si uu u sii wado weerarrada kadib markii uu yareeyay kaydka gantaallada riddada dheer ee cruise missiles ee ku sugnaa Badweynta Hindiya. Sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Qayb kale oo ka mid ah bayaanka, IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu jiray “Wejiga 26-aad ee Hawlgalka Nasr 2,” cutub ka tirsan dagaalka elektaroonigga ah ee Mareykanka uu beegsaday saldhigga Al-Adiri, xarun caafimaad oo ay leeyihiin ciidamada, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada ee saldhigga, taasoo ay ku sheegtay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen askar Mareykan ah.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay dawladda Britain ayaa jawaab adag ka bixiyay hanjabaaddii ka timid Ilaalada Kacaanka uu sheegay in ciidammada qalabka sida ee dalka ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan UK, nooc kasta oo weerar ah.
Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Ilaalada Kacaanka ay ka digeen in la isticmaalo diyaaradaha duqeymaha Mareykanka ee ka duula saldhigyada millatari ee Britain.
Afhayeenka dowladda Britain ayaa yidhi: “Ciidammadeenna qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay ka difaacaan UK, weerar kasta, ha ka dhaco gudaha dalka ama dibaddiisa. UK mar walba waxay u diyaarsan tahay in ay isdifaacdo.”
