Sarreeye Guuto Cali Jahanshahi, oo ah taliyaha Ciidamada Dhulka ee Milatariga Iran, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay “si buuxda xog sirdoon uga hayaan xuduudaha Iran”, isla markaana aysan u oggolaan doonin “cadowga inuu sameeyo xitaa dhaqdhaqaaq yar”.
Mr Jahanshahi ayaa sheegay in awoodda sirdoon ee Iran ay sababtay in la ogaado lana fashiliyo qorshayaasha hawlgallada dhulka ee cadowga ka hor inta aysan qaadin tallaabo wax ku ool ah.
Waxa uu intaas ku daray in cadowgu uusan awood u lahayn inuu ka hirgeliyo ujeeddooyinkiisa meelaha u dhow xuduudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ayaan faahfaahin ka bixin waxa uu ugu yeeray “ogaanshaha bartilmaameedyada cadowga”.
Iran ayaa horey u sheegtay inay duqeymo milatari ku bartilmaameedsatay qaar ka mid ah fariisimo ay kooxo ka soo horjeeda dowladda Iran ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq.
Dhinaca kale Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sheegay in Maraykanku maalmihii u dambeeyay helay “digniin cad oo ku saabsan gantaallo cusub oo Iran leedahay.”
Sarreeye Gaas Mohsen Rezaei ayaa farriin uu ku qoray bartiisa X, ku sheegay “Dagaalka dhaqaale waxaa looga jawaabi doonaa iyadoo laga sameynayo guud ahaan Gacanka Faaris ilaa aagga xannibaadda, aag badeed oo aan la geli karin.”
Mudane Rezaei wuxuu sheegay: “Qaabka hawlgalka ee lagaga hortagayo maraakiibta Maraykanka iyo saldhigyada milatari si aasaasi ah ayaa dib loogu habeeyay.”
Maalmihii la soo dhaafay, saraakiisha Iran waxay sheegteen inay awood u yeesheen inay laba markab oo dagaal oo Maraykan ah ku weeraraan Gacanka Faaris, iyagoo adeegsanaya hubka lidka maraakiibta.
Rezaei ayaa shalay sheegay: “Markii ugu horreysay, waxaan tijaabinay gantaal Iran leedahay oo burburiya maraakiibta dagaalka, kaas oo lagu riday markab Maraykan ah. Gantaalkan gaarka ah wuxuu Maraykanka geliyay xaalad jahawareer iyo cabsi ah, wayna carareen.”
