2
Wakaaladda wararka Fars ee dawlada Iran ayaa sheegtay inay ciidamada Iran gacanta ku dhibeen markab gujis Maraykan ah oo iskiis u shaqeeya, kaasoo lagu qabtay albaabka laga galo marin-biyoodka Hormuz.
Fars ayaa sheegtay in gujiskaasi uu ka mid yahay gujisyada aan naaquudaha lahayn ee ugu casrisan islamarkaana garaadka badan ee ciidamada Maraykanka leeyihiin.
Dhinaca Maraykanka weli kama uusan hadlin sheegashada Iran.
