Ra’iisul Wasaare Lawrence Wong ayaa mushaharkiisa guud laga kordhinayaa S$2.2 milyan ilaa S$3.6 milyan sanadkii, taas oo u dhiganta qiyaastii $2.8 milyan, halka korodhku yahay ku dhowaad $1.1 milyan.
Kordhintu waxay dhaqan gelaysaa 15-ka Oktoobar 2026. Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in la helo lana sii hayo hoggaan tayo sare leh,oo dalka wax badan kusoo kordhiya.
Wong ayaa sheegay in lacagta korodka mushaarkiisa oo dhan uu shan sano gudaheed ugu deeqi doono hay’adaha samafalka.
Sidaas darteed, Singapore waxay sii ahaanaysaa dalka bixiya mushaharka ugu sarreeya ee lasiiyo hoggaamiye siyaasadeed adduunka oo dhan.
Dowladda Singapore ayaa sheegtay in dib-u-eegistan looga gol leeyahay in dalka lagu sii ilaaliyo hoggaan tayo leh, lana xaqiijiyo in mushaharka madaxda dowladda uu awood u siiyo inay soo jiitaan shaqsiyaad karti sare leh oo ka iman kara ganacsiga iyo qaybaha kale ee gaarka loo leeyahay.
Nidaamka Singapore ayaa sidoo kale muddo dheer ku salaysnaa dood ah in mushahar tartan leh uu yareyn karo khatarta musuqmaasuqa, maadaama siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda la siinayo dakhli sare oo ay ku beddelanayaan adeegga qaranka. Dowladda ayaa sheegtay in lacagtu aysan ahayn sababta ugu weyn ee qof siyaasadda u gelaya, balse mushaharku uu yahay qayb ka mid ah nidaamka lagu soo jiidanayo dadka kartida leh.
Sida qorshaha cusub, mushaharka Ra’iisul Wasaaraha Lawrence Wong ayaa laga qaadi doonaa heerkii hore ee qiyaastii S$2.2 milyan sanadkii, waxaana lagu kordhinayaa S$3.6 milyan sanadkii, taas oo u dhiganta ku dhowaad US$2.8 milyan.
Tani waxay ka dhigan tahay koror aad u weyn marka loo eego mushaharkii hore, waxaana Lawrence Wong uu sidaas ku sii ahaanayaa mid ka mid ah madaxda dowladeed ee ugu mushaharka badan caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, Wong ayaa sheegay inuu shan sano oo xiriir ah ugu deeqi doono hay’adaha samafalka dhammaan lacagta dheeraadka ah ee ka dhalata kororkiisa mushahar, haddii uu muddadaas sii ahaado Ra’iisul Wasaare.
