Wednesday, September 23, 2026

Israa’iil oo Taageeraysa Dhaqdhaaq Xukunka Looga Tuurayo Madaxweynaha Eritrea.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxo Eritrean ah oo mucaarad ku ah Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dibadda ka wada abaabul siyaasadeed iyo mid bulsho oo ay ku doonayaan inay dhisaan awood mideysan oo mustaqbalka isbeddel siyaasadeed ka dhalisa Eritrea, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Haaretz.

Dhaqdhaqaaqa Brigade N’Hamedu, oo xubno ku leh Israel, Mareykanka, Canada, Sweden, Germany iyo Ethiopia, ayaa sheegay inuu doonayo inuu mideeyo qurbajoogta Eritrea isla markaana diyaariyo qaab siyaasadeed oo lagu beddeli karo xukuumadda hadda jirta.

Sida ay Haaretz sheegtay, dhaqdhaqaaqu wuxuu sameystay gole ka kooban 51 xubnood, iyadoo doorashooyin lagu soo xulayay wakiillada lagu qabtay dalal kala duwan. Hoggaamiyeyaashiisa ayaa sidoo kale sheegay inay xiriir la leeyihiin dad gudaha Eritrea ku sugan, inkastoo sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Dhaqdhaqaaqa ayaa sidoo kale xiriirro diblomaasiyadeed ka wada Mareykanka, halka Ethiopia ay martigelinayso qaar ka mid ah hawlihiisa. Hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen inay doonayaan inay dhisaan nidaam dimuqraadi ah oo beddela xukuumadda Afwerki.

Brigade N’Hamedu ayaa dhanka kale wajahaya eedeymo la xiriira rabshado iyo falal sharci-darro ah, gaar ahaan laantiisa Germany, halka baaritaanno lagu sameeyay xubno looga shakiyay inay hoggaan ka ahaayeen ururka.