Isra’iil ayaa furtay codsiyada shirkadaha doonaya inay dhisaan in ka badan kun guri oo laga dhisayo deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo dowladda Isra’iil ay doonayso inay meesha ka saarto suurtagalnimada in mustaqbalka la dhiso dowlad Falastiini ah.
Qorshayaasha lagu dhisayo deegaanka loo yaqaan E1 ayaa muddo dheer cambaarayn caalami ah la kulmay. Dhismahaas ayaa si dhab ah u kala qaybin kara Daanta Galbeed, isla markaana go’doomin kara Bariga Qudus.
Waqtiga kama dambaysta ah ee lagu gudbinayo dalabyada ayaa ku beegan maalmo ka hor doorashada bisha Oktoobar, taasoo adkeyn karta in dowlad mustaqbalka timaadda ay baabi’iso qandaraasyada la bixiyo.
Degsiimooyinka Israa’iil ee laga dhisayo dhulka la haysto ayaa sharci-darro ku ah sharciga caalamiga ah.
Israel oo Baadhitaan gelinaysa dilal Gaza ka dhacay
Milatariga Israa’iil ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay in ciidamadooda rasaas ku fureen gaari ay saarneyd Hind Rajab, oo ahayd gabar Falastiini ah oo shan jir ahayd, taasoo iyada iyo lix ka mid ah ehelkeeda lagu dilay Gaza sannadkii 2024.
Ciidamada Israa’iil ayaa furaya baaritaan dembiyeed oo ku saabsan dhimashadeeda iyo dilka laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka ahaa, kuwaas oo loo diray inay badbaadiyaan Hind.
Baaritaan gaar ah ayaa sidoo kale lagu sameyn doonaa dilka 15 shaqaale gurmad iyo gargaar ah oo ka dhacay magaalada Rafah sannadkii hore.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inuu baadho dhacdooyinka aan caadiga ahayn si waafaqsan sharciga. Hase yeeshee, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Israa’iil, Yesh Din, ayaa sheegtay in baadhitaannada noocan ah ay dhif tahay in ay ku dhammaadaan in dad maxkamad la soo taago.
