Calan-wadaha caalamiga ah ee reer Jabbuuti, Liibaan Axmed ayaa ku amaanay garsoore Cumar Cartan in uu ugu yeeray ciyaartii caalamiga ahayd ee uu la qabtay dhawaan markii uu la kulmay garsoore Cumar waxaana uu yiri:
“Aniga fursadda waxaa i siiyey walaalkay Gasoore Cumar Cartan, waayo cidda loo yeedho mar kasta waa Garsooraha, isaga ayaana la yimaadda calan-wadayaasha la qabanaya ciyaarta, marka isaga ayaa ii yeedhay oo ii sheegay inaa u raacayo Yurub oo aan kamid ahay calan-wadayaasha uu xushay maadaama aan horey ugala qeyb galay ciyaaro waa weyn.”
Garsoore Cartan ayaa isna yidhi: “Soomaaliya iyo Jabbuuti waa laba dal oo walaalo ah islamarkaan-na ah hal dad.”

