Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hortimid hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u marayso dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, iyadoo ku dooday in tallaabooyinka la qaaday aysan waafaqsanayn shuruucda iyo heshiisyada saldhigga u ah nidaamka federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-kii Nofeembar 2026 ayay ku sheegtay inay ka xun tahay habka loo maray dhismaha hay’addan, ayna aqoonsanayn magacaabista hoggaankeeda, maadaama aan lagala tashan dowlad-goboleedyada, isla markaana aan laga gaarin heshiis ku saabsan qaab-dhismeedkeeda iyo awoodaha ay yeelanayso.
Jubaland waxay ku adkeysanaysaa in dhismaha hay’adaha maaliyadeed ee heer qaran, gaar ahaan kuwa qaabilsan ururinta, maamulka iyo qeybinta dakhliga dalka, uusan noqon karin go’aan ay Dowladda Federaalka kaligeed qaadato, balse uu u baahan yahay wada-hadal iyo heshiis dhex mara dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Muran-kan ayaa soo baxay kaddib markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee 12-kii Nofeembar, ay ansixiyeen magacaabista Faysal Maxamed Xaashi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Wararka la xiriira go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa sheegaya in magacaabista Faysal Maxamed Xaashi ay soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda Federaalka, isla markaana uu horey u ahaa Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, xilkaas oo uu hayay tan iyo 2023.
Hay’adda cusub ayaa la doonayaa inay qaadato masuuliyadihii horey ugu jiray waaxda dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo la filayo inay door ka qaadato casriyeynta nidaamka canshuuraha, kordhinta dakhliga gudaha, mideynta habraacyada canshuur ururinta iyo xoojinta isla-xisaabtanka.
Hase yeeshee, Jubaland waxay diiradda saareysaa su’aasha ah sida loo dhisayo hay’addan iyo heerka ay dowlad-goboleedyadu uga qeyb qaadanayaan go’aannada la xiriira maamulka dakhliga, gaar ahaan maadaama dakhliga dalka uu saameyn toos ah ku leeyahay awoodda maaliyadeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.
Wasaaradda Maaliyadda Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay hirgelinta hannaankii dib-u-habaynta maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay xustay in bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka, ay geliyeen waqti, khibrad iyo dhaqaale badan.
Dib-u-habaynta maaliyadda Soomaaliya waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda dowladda ee canshuur ururinta, maamulka kharashaadka, hufnaanta miisaaniyadda iyo isku-duwidda nidaamyada maaliyadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Qorshayaasha dib-u-habaynta dakhliga ayaa sidoo kale la xiriira sidii Soomaaliya u kordhin lahayd dakhliga gudaha, una yareyn lahayd ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda. Wasaaradda Maaliyadda Federaalka ayaa horey u sheegtay in Hay’adda Dakhliga Qaranka ay qeyb ka tahay dadaallada lagu casriyeynayo maamulka canshuuraha iyo nidaamka dakhliga dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda Jubaland waxay sheegtay inaysan ka hor imaanayn wada-shaqeynta dhinacyada maaliyadda ee Dowladda Federaalka, balse ay ku adkeysanayso in dib loogu laabto wada-tashiga, lana gaaro heshiis is-afgarad iyo wada-ogolaansho ku dhisan.
Waxay ku baaqday in la helo hannaan ay dhammaan dhinacyada federaalku ku leeyihiin door muuqda, si loo ilaaliyo hufnaanta maamulka dakhliga, loona helo nidaam la isku raacsan yahay oo lagu maamulo laguna qeybiyo dhaqaalaha dalka.
Mowqifka Jubaland ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta heshiisyada federaalka.
Arrinta Hay’adda Dakhliga Qaranka ayaa sidaas darteed noqon karta qodob kale oo dood ka dhex dhalisa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan marka laga hadlayo cidda leh awoodda sharciyeed ee maamulka dakhliga iyo sida loo xaqiijinayo in qeybinta dhaqaalaha qaranku ku dhisnaato heshiis ay dhinacyadu wada gaareen.

