Madaxweynaha DDS,Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada, Mudane Maxammed Sheekh Aadan ayaa xadhiga ka jaray Dugsiga Hoyga Sheed-Dheer.
Dugsigan oo ay ka socoto adeeggii waxbarashadu ayaa ka kooban qaybta dhismaha maamulka, qaybta waxbarashada, qaybta jiifka ee ardayda iyo macalimiinta, maktabadda akhriska iyo guud ahaan adeegyada kale ee muhiimka u ah adeegga waxbarashada.
Adduun lacageed oo dhan138 milyan oo birr ayaa ku baxday dugsigan oo uu hirgeliyay Xafiiska Waxbarashada DDS. Odayaasha iyo bulshada magaalada ayaa qiray in balanqaadyo ay xukuumaddu usamaysay oo uu dugsigani kamid yahay in sidoodii u fuleen.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ka hadlay munaasibadda xadhig-jarka ayaa sheegay in xukuumaddu ay daddaal balaadhan ugu jirto sidii loo tayayn lahaa nidaamka baris-barasho oo gundhig ah badbaadada iyo horumarka bulshada.










