Tuesday, August 25, 2026

Madaxda TPLF oo Shuruudo ku Xiray Wadahadl ay la Galaan Xukuumadda Abiy Axmed

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa shuruudo ku xiray dib u bilaabista wada-hadallada ay la yeelanayaan dowladda dhexe ee Addis Ababa.

Madaxda TPLF ayaa soo bandhigay sadaxdan Shuruudood:

1-Ciidamada dowladda ay soo afjaraan waxa ay ku tilmaameen go’doomin lagu hayo Tigray.

2-In la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee gobolka.

3-In dib loogu soo celiyo TPLF aqoonsigeedii sharci ee xisbi siyaasadeed.

Dalabyadan ayaa lagu soo bandhigay kulan ay mas’uuliyiinta Tigray la yeesheen ergayga Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

Weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dhawaan ka dhacay goobo dadku ku badan yihiin ayaa sii kordhiyay xiisadda. Tigray ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inay ku guuldarreysatay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye ee 2022-kii.

Dagaallo cusub oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa billowday bishan Agoosto, taas oo walaac ka abuurtay in colaaddii Tigray ay mar kale si weyn u soo laaban karto.