Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si nabad ah uga degay Madaarka
Washington Dulles International Airport (IAD) ee magaalada Washington, D.C., halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Qaranka JSL, iyo xubno kale oo ka tirsan weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada
3. Wasiirka Gaashaandhigga
4. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha
5. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .
Sidoo kale waftiga Madaxweynaha waxa ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .
Muddada uu Madaxweynaha Somaliland ku guda jiro safarkiisa shaqo ee dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga, iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Safarkani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed, balse waa juhdi Qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah.















