Madaxweynaha Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo Dhaweeyay Bandiiradleey

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug.

Boqollaal ka mid ah shacabka magaalada ayaa isugu soo baxay waddooyinka Bandiiradleey, iyagoo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay soo dhoweyn diirran, taas oo qayb ka ahayd booqashada uu Madaxweynaha ku marayo deegaanno ka tirsan Galmudug.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriirta safarkiisa nabadda iyo u kuur-galka xaaladda bulshada, iyadoo uu booqan doono degmooyin iyo deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug.

Intii uu ku sugnaa Bandiiradleey, Madaxweynaha ayaa si dhow u eegaya xaaladaha amniga, nolosha bulshada iyo baahiyaha horumarineed ee deegaanka, isaga oo sidoo kale la kulmaya bulshada iyo maamulka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Bandiiradleey sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada, nabadgelyada iyo in la dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Galmudug.