Ka hor inta aysan dalalka reer galbeedka shalay soo saarin cunaqabateynta ganacsi ee ka dhanka ah Israa’iil oo ay xigtay Ingiriiska inuu tallaabo dheeraad ah qaaday,waxaa BBC-da la hadlay safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil , Mike Huckabee oo sheegay haddii go’aanku soo baxo in Mareykanku tallaabo ka qaadi doono Ingiriiska.
Hadalkan waxaa u riyaaqay nidaamka Netanyahu, iyadoo saraakiil Israa’iil oo hadalladan la dhacsan ay la quraacdeen safiirka Mareykanka,balse markii 12 dal oo reer galbeed ah ay cunaqabateynta soo saareen oo Ingiriisku hadana tallaabooyin kale ku hanjabay, waxay Israa’iil sugtay inta waagu uga baryayo Mareykanka, iyagoo doonayay inay maqlaan Trump iyo saraakiisha nidaamkiisa oo u hanjabaya Ingiriiska , saacado badan taa ma dhicin.
Intaa ka badan gudaha Israa’iil, waxaa laga wacay wariyeyaal Mareykan ah oo loo sheegay inay xoghayaha arrimaha dibadda , Marco Rubio waydiiyaan mowqifka Mareykanka ee tallaabada xulafada galbeedka ay qaadeen, wuxuu ku jawaabay; “ Arrintan wax falcelin ah kama sameynayno.”
Ka dib,wariyaha Israa’iili-Mareykanka ah ee Barak Ravid, ayaa la xiriiray Aqalka Cad si uu wax uga waydiiyo hadalka safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil uu jeediyay inuu dhabyahay.
Waxaa loogu soo jawaabay; “Hadaladii uu Safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, ka sheegay cunaqabateynta Ingiriiska, ma jirta cid la ogeyd , waa hadal isaga ku eg , lamana uusan la socodsiin Aqalka Cad ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda.”
Waxaa xigtay in warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios , ay baahisay warbixin lagu sheegay in Trump lagu wargeliyay tallaabada Ingiriiska iyo 11 dal ee kale oo reer galbeedka ah cunaqabateynta ku saarayaan Israa’iil , mana uusan soo bandhigin wax diidmo ah, isagoo muujiyay inuu raalli ka yahay habkan in loo ciqaabo nidaamka Netanyahu.
Ma aqaan wixii xilligaa ka dambeeyay waxa uu sameeyay safiirka Mareykanka oo saacado Israa’iil looga arkay halyeey dharbaxo ku dhuftay Ingiriiska,balse aragtidayda markaa wuxuu iska saaray hawada, markaana telefoonkiisa wuu xirnaa..!
