Tuesday, August 11, 2026

Askari Hore Uga Dagaallamay Qasa Oo Isku dilay Magaalada New York ee Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Askari hore uga dagaallamay marinka Qasa ayaa isku dilay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Askarigan oo 25 jir ahaa, William Shakin, wuxuu ka tirsanaa Guutada Golani ee ciidanka dhulka Israa’iil, sida uu maanta weriyay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth.

Shakin ayaa la sheegay inuu muddo la noolaa xaalad maskaxeed oo ka dhalatay wixii uu kala kulmay dagaalkii Qasa, gaar ahaan kadib markii qaar ka mid ah askartii ay saaxiibbada ahaayeen si xun loogu dilay oo qaar kale lagu dhaawacay dagaalka ay la galeen Xamaas.

Qoyskiisa ayaa hadda Israa’iil ku eedeynaya in askarigu uusan helin daaweyntii iyo taageeradii caafimaad ee maskaxeed ee uu u baahnaa, taas oo ay sheegeen inay qayb ka ahayd dhibaatooyinkii uu muddo la tacaalayay ee ugu dambeyn uu nafka isku dhaafiyay.