Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya ayaa shaacisay in 11 xirfadood oo cusub lagu dari doono waxbarashada dugsiyada dalka, iyadoo qorshahan la hirgelinayo laga bilaabo sannad-dugsiyeedka cusub.
Isbeddelkan ayaa ardayda u saamaxaya inay waxbarashada caadiga ah barbar socdaan xirfado shaqo-abuur leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin farsamada biraha, dayactirka gaadiidka, tolidda iyo farsamaynta dharka, rakibidda korontada dhismayaasha, maamulka hoteellada, qurxinta iyo hagaajinta timaha, diyaarinta cuntooyinka iyo farsamada beeraha.
Wasaaraddu waxay qorshahan ku doonaysaa in ardaydu dugsiyada kala baxaan aqoon iyo xirfad ay si toos ah ugu shaqaysan karaan, halkii waxbarashadu ku koobnaan lahayd duruusta aragtiyeed oo keliya.
Ardayda Soomaaliyeed ma u baahan yihiin tallaabadan!
