Sida ay sheegtay Defense news, dawladda Maraykanka ayaa raadinaysa saddex khabiir oo noqonaya la taliyeyaal qandaraasleyaal ah kuwaas oo bixinaya khibarad ku wajahan dhaqanka bulshada iyo qaab-dhismeedka beelaha dega Soomaaliya.
Saddexda la taliye waxa laga doonayaa in ay la shaqeeyaan maamuulada Soomaaliya iyo odayada dhaqanka iyaga oo sidoo kale bixin doona Tarjumaad iyo xogo ku saabsan xaaladda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayuu Maraykanku ku doonayaa in uu ku maareeyo arrimaha Soomaaliya maaddama oo sannadahan uu si weyn u dhimay arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna saamayntii uu ku lahaa dhinaca gudaha Soomaaliya.
