Maraykanka ayaa khariidad ay soo bandhigtay ku muujisay in dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay laba dal oo kala duwan.
Safaaradda Maraykanka ee dalka Australia ayaa barteeda X (Twitter-ka), ayaa sheegtay in khariidadan ay soo bandhigeen ay ka turjumayso dalalka xoriyadaha ugu badan ka jiraan iyo kuwa bilaa xoriyadaha ah.
Dalka Somaliland waxa lagu daray wadamada xoriyadahu ka jiraan, halka Soomaaliya lagu daray liiska aanay wax xoriyad ahi ka jirin.
“Maraykanka iyo Australia waxay si wada-jir ah ugu taagan yihiin dalalka xoriyadaha iyo dimuqraadiyuhu ka jiraan ee ay dadku si xor ah u hadli karaan, u codayn karaan, halka Shiinuhu uu calanka u sido dalalka bilaa xoriyadaha ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Maraykanka ee dalka Australia.

