Sunday, September 20, 2026

Uganda Oo Hakisay Iskaashigii Milatari Ee kala Dhexeeyay Turkiga Markii loo Diiday in loo Gacan-galiyo…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda ayaa sheegay in la hakisay xidhiidhkii milatari ee ka dhexeeyay labada Dal, wuxuuna Turkiga ku eedeeyay ineysan weli Uganda usoo gacan gelin Fred Lumbuye oo ah nin ay si weyn u raadineyso Dowlada Uganda balse ku nool Dalka Turkiga.

FG: Fred Lumbuye oo ah falaqeeye siyaasadeed oo u dhashay Dalka Uganda balse hada ku nool Dalka Turkiga, wuxuuna si weyn u dhaliila Dowlada Yoweri Museveni, waxayna Dowlada Uganda ku eedeysay Lumbuye inuu faafinayo dacaayado ka dhana dowlada Isla markaana uu iskugu dayayo inuu sameeyo kicin dadweyne.

Dowlada Uganda waxay Turkiga ka codsatey in ninkan loo soo gacan geliyo balse Dowlada Turkiga ma dhageysan codsigaa, taasoo kicisey khilaaf ugu dambeyn saameeyay iskaashigii milatari ee ka dhexeeyay Uganda iyo Turkiga.