Monday, September 21, 2026

Maamulka Puntland oo Markii ugu Horaysay ka Hadlay Ciidano lagu Qabtay Gaalkacyo.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo faah-faahin hordhac ah ka bixiyay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ciidamada ammaanka Puntland saaka ku qabteen waqooyiga magaalada.

Fardafuul ayaa sheegay in ciidamadaasi ay kasoo gudbeen dhanka Galmudug, islamarkaana haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Puntland. Waxa uu sheegay in ciidamadan la doonayay in gudaha Puntland loo soo geliyo, isaga oo ku eedeeyay in laga cabsi qabay inay ka geystaan falal amni-darro ah.