5
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan, iyo wafdi saraakiil Turki ah.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageeradeeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed





