Tuesday, November 3, 2026

Trump Oo Somalida Maraykanka ku Eedeeyay Bur-burinta Gobolka Minnesota Iyo Fara-galinta Doorashada Ohio.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Donald Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in Soomaalidu ku noolaato Maraykanka, isaga oo Soomaalida Minnesota ku eedeeyey inay gobolka burburiyeen, sidoo kalena faragelinayaan doorashada Ohio.

Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta doorashada dhexe ee Mareykanka ayaa laga furay gobolka Vermont. Waxaa xigay oo goobaha cod bixinta albaabada loo furay gobollada New Jersey, Virginia iyo Connecticut, iyo qaybo ka mid ah Kentucky iyo Indiana.

Soomaalida Maraykanka ayaa ka mid ah dadka ugu saameynta badan dalkaas, waxayna ka shaqeeyaan ganacsiga, waxbarashada, adeegyada bulshada iyo siyaasadda illaa ay hogaanka siyaasadeed ee dalkaa safka hore kaga jiraan.

Doorashadan waxaa lagu tartamayaa dhammaan 435-ka kursi ee Golaha Wakiillada iyo 35 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka. Sidoo kale, codbixiyeyaasha 36 gobol ayaa dooranaya guddoomiyeyaasha gobolladooda.

Screenshot

Screenshot