Thursday, October 29, 2026

Mareykanka oo Xiray Somali lagu Eedeeyay inuu si Sharci-darro ah uga Codeeyay Doorashada dalkaas

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa sheegtay in la xiray muwaadiniin ajaanib ah oo ka badan 12 qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga codeeyeen doorashooyinka dalkaas, qaarkoodna ay hore ugu lug lahaayeen dambiyo kale.

Dadka la xiray waxaa ku jira Aden Hassan Aden, oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, kaas oo maamulka Mareykanku ku eedeeyay inuu si sharci-darro ah uga codeeyay doorashadii 2020-ka. Sida lagu sheegay warbixinta DHS, ninkan ayaa sidoo kale hore loogu helay dambiyo la xiriira rabshadaha qoyska, haysashada maandooriyaha iyo xatooyada.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Markwayne Mullin, ayaa sheegay in saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ay xireen dad aan muwaadiniin Mareykan ahayn oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga qayb qaateen doorashooyinka dalkaas.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka la xiray ay leeyihiin taariikh dambiyeedyo ay ka mid yihiin weerarro hub loo adeegsaday, rabshadaha qoyska, ka ganacsiga maandooriyaha, jabsashada guryaha iyo wadista gaadiidka iyagoo sakhraansan.

DHS ayaa magacyada dadka kale ee la xiray ku dartay muwaadiniin u dhashay dalal ay ka mid yihiin Mexico, Cuba, Jarmalka, Nicaragua, Vietnam, Venezuela, Cambodia, Guatemala iyo Honduras. Waxaa lagu eedeeyay inay codeeyeen doorashooyinkii Mareykanka ee dhacay sannado kala duwan, laga soo bilaabo 1992 ilaa 2026.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah olole uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in wax looga qabto musuqmaasuqa doorashooyinka iyo codeynta sharci-darrada ah ee ay ku lug yeeshaan dadka aan muwaadiniinta Mareykanka ahayn, sida ay sheegtay waaxda DHS.