Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdel Aaty, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu magaalada Qaahira ka socdo shirka 166-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir.
Wasiirka Masar ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu sameeyay horumar weyn, isagoo tilmaamay in Qaahira ay doonayso in ay sii ballaariso iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maalgashiga.
Masar ayaa sidoo kale mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay diiddan tahay tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimi kara midnimada dhuleed ama madaxbannaanida Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada loo fidinayo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo xoojinta awooddooda, iyadoo Masar ay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin waarta oo loogu talagalay Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ka codsaday Soomaaliya in la sii wado dadaallada lagu dedejinayo sii deynta badmaaxiinta Masaarida ah ee lagu hayo meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, isla markaana la xaqiijiyo badqabkooda.
Masar ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dhinacyada ay khuseyso ay sii wadaan dadaallada lagu xallinayo arrinta badmaaxiinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in si nabad ah loo sii daayo.
