Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii la soo gabagabeeyay diiwaangelinta iyo hubinta shuruudihii looga baahnaa musharraxiinta.
War-saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in saddex musharrax ay si rasmi ah ugu tartamayaan xilka ugu sarreeya maamulka Koonfur Galbeed. Musharraxiinta la shaaciyay ayaa kala ah:
1-Sheekh Aadan Maxamed Nuur – Ururka Caddaalada iyo Wadajirka
2-Shariif Xasan Sheekh Aadan – Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran
3-Cabdicasiis Maxamed Cusmaan – Ururka Karaama
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in musharraxiintan ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii sharciga ahaa ee looga baahnaa ka qaybgalka doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ugu baaqay Golaha Wakiillada, musharraxiinta, warbaahinta iyo shacabka inay doorashada u wajahaan si nabad ah, isla markaana ay ilaaliyaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. War-saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Guddoomiye Ku-xigeenka GMDQS, Saadaq Abshir Garaad.
Shaacinta liiskan ayaa qayb ka ah jadwalka doorashooyinka ay hore u soo saareen GMDQS, kaas oo dhigaya in musharraxiinta ay jeediyaan khudbadahooda ololaha ka hor maalinta codbixinta. Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay qabsoonto toddobaadkan gudihiisa, sida ku xusan jadwalka rasmiga ah ee guddigu hore u shaaciyay.
Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama Koonfur Galbeed ay noqotay dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee galay wejiga doorashooyinka cusub ee ay maamulayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha

