Tuesday, November 3, 2026

Maxaa Sababay In Dhalashada Turkiga la Siiyo Xiddiga Kubada Cagta Masar Ee Maxamed Saalax.?

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta Turkiga ayaa warinaysa in xiddiga kubada cagta Masar ee Maxamed Saalax la siin doono dhalashada Turkiga, isla markaana lagu maamuusi doono billad sharaf heer qaran ah.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Turkigu Maxamed Saalax ayaa la filayaa in la guddoonsiiyo billadda dawladda ee adeega mudan, taas oo lagu maamuusayo doorka uu ka qaatay koboca ciyaaraha iyo dalxiiska dalka Turkiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saamaynta Maxamed Saalax ay horseeday korodh aan hore loo arag oo ku yimid xiisaha loo qabo ciyaaraha iyo dalxiiska Turkiga.