Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid gobollada Waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Madax-dhaqameedka kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka madax-dhaqameedka ee nabadaynta, isu-soo-dhoweynta bulshada iyo dhismaha is-fahamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madax-dhaqameedka ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, wadajirka iyo xiriirka bulshada Soomaaliyeed.
