Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa magaalada Moscow kula kulmay Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ka hor shir-madaxeedka siddeedaad ee madaxda dalalka dhoofiya gaaska.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, xaaladda marin-biyoodka Hormuz iyo saameynta ay arrimahani ku leeyihiin sahayda tamarta adduunka.
Madaxtooyada Iiraan ayaa sheegtay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee u dhexeeya Tehran iyo Doha.
Waxay si gaar ah u eegeen iskaashiga dhinaca tamarta, kordhinta ganacsiga labada dal iyo xoojinta wada-shaqeynta dalalka dhoofiya gaaska.
Kulanka waxaa Qatar uga qayb galay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, iyo mas’uuliyiin kale. Dhinaca Iiraanna waxaa joogay Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi iyo saraakiil kale oo sare.
