Duqeyn uu Mareykanku geystay ayaa lala beegsaday Buundada webiga Shuur ee deegaanka Koohorastaan, taasoo sababtay inay go’do waddada weyn ee isku xirta magaalada istaraatijiga ah Bandar Cabbaas oo ay ku taal dekedda ugu weyn Iiraan iyo Laar labada jiho.
Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya in gaadiid rayid ah uu saarnaa buundada xilligii uu weerarku dhacay.Ilaa hadda lama shaacin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka.
Mareykanku inuu beegsanayo bundooyinka iyo kaabayaasha bulshada ee Iiraan, waxay ka dhigantahay in la galay wajigii ugu adkaa ee dagaalka, iyadoo tan ay muujinayso weerarradii kala duwanaa ee Mareykanku fuliyay si cadaadis loo saaro Iiraan inaysan dhalin wax isbeddel ah, xilligaana uu iskudayayo Mareykanku inuu sida ugu adag ee dedejin karta Iiraan miiska wadahadal in lagu soo celiyo inuu u weerarro.
