Dowladda Pakistan oo la hadlaysa Iiraan iyo xulafadeeda Yemen ee Xuuti:”Boqortooyada Sucuudi Careebiya oo la weeraro waa annaga oo nala weeraray.
Sarkaal Pakistani ah ayaa Reuters u sheegay in Pakistan ay Iiraan u sheegtay haddii Xuutiyiinta Yemen ay weeraraan Sacuudiga, inay Pakistan u arki doonto weerarkaas mid lagu qaaday dhulkeeda.
Sarkaalku wuxuu sheegay in haddii arrintaasi dhacdo, ay adkaan karto in colaadda la xakameeyo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in danta dhammaan dhinacyadu ay ku jirto dantooda in xiisadda la soo afjaro.
Hase yeeshee, haddii xiisaddu sii kororto, wuxuu sheegay inay Pakistan si cad u garab istaagi doontaa Boqortooyada Sacuudiga.
Bal qiyaasa, Israa’iil oo colaadda Bariga Dhexe hurisay inay meel fog ka istaagto iyadoo daawaneysa dalalka Muslimka oo dhexdooda iska dagaallamaya.
Haddaba, aragtidiinna yaa mas’uul ka noqon doona haddii arrintu gaarto in isbahaysi dalal Muslim ah uu la dagaallamo Iiraan?
