Israa’iil oo Somaliland U Soo Dirtay Khubaro Caafimaadka iyo Iskaashi Bilaamay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday dalka Israa’iil.

Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyay Agaasimayaasha Waaxaha Qorshaynta iyo Horumarinta Siyaasadda, Caafimaadka Guud iyo Madaxa Xidhiidhka Gobollada ee Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaadka dalka iyo sidii loo ballaadhin lahaa wada-shaqaynta u dhaxaysa labada dhinac. Wasiirku wuxuu weftiga si diirran ugu soo dhaweeyey Somaliland iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, isagoo caddeeyey in Wasaaraddu diyaar u tahay xoojinta iskaashiga iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo kor u qaadaya adeegyada caafimaadka.

Dhankooda, xubnaha weftigu waxay muujiyeen farxaddooda booqashada Somaliland, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin iskaashi midho-dhal ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo tayadooda.

Kulanka kaddib, weftigu waxay booqasho ku tageen Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Cusbitaalka Carruurta ee Maxamed Aadan Sheekh (MAS) iyo Cusbitaalka Gargaar. Waxay halkaas ku soo indho-indheeyeen adeegyada caafimaad ee laga bixiyo, qaybaha kala duwan ee ay ka kooban yihiin xarumahaasi, iyo baahiyaha jira ee u baahan iskaashi iyo taageero si loo sii xoojiyo adeegyada caafimaadka dalka.