Tuesday, October 27, 2026

Musevani Oo Dowladda Federaalka ku War-galiyay inuu la Baxayo Ciidamadiisa,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musevani ayaa Dowladda Federaalka u bandhigey in uu la baxayo ciidamadiisa, isaga oo walaac ka muujiyey xiisadaha amni iyo ismariwaaga siyaasadeed ee dhinacyada Soomaalida, sida ay tilmaameen ilo la socday kulanka dhexmaray MW Xasan & dhiggiisa Musevani ee Kampala.

MW Musevani ayaa la sheegey in uu u jeediyey MW Xasan in uu la heshiiyo mucaaridka & hagaajiyona xidhiidhka dalalka deriska oo ay markaas joogayaan ciidankiisa, isaga intaaio ku daray in ay jiraan dhinacyo isu-baahaystay Soomaaliya, sida ay xuseen ilo-wareedyada DFS.

Dowladda Federaalka ayaa maanta leh shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladda amni ee dalka & xidhiidhka dalalka deriska, iyada oo dagaalkii u danbeeyey ee Baay muujiyey khatar amni oo la adeegsaday diyaarado-is-qarxiyey oo khasaare kala duwan geystay.