Tuesday, November 3, 2026

Trump Oo ku Dhawaaqay inuu Joojinayo $4 bilyan oo Gargaar Milatari loo Siinayay Israa’iil .…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu joojinayo $4 bilyan oo gargaar milatari ah oo uu sannad kasta siiyo Israa’iil dhammaadka 2026, sabab la xiriirta in bixinta gargaarka militari ee Mareykanku siiyo Israa’iil ay saameyn ku yeelatay doorashada ka socota Mareykanka, oo xisbiga dimuqraadigu u adeegsanayo sii socoshada taageerradan wax uu ku weerarro xisbiga Trump ee jamhuuriga oo loollan adag kala kulamaya doorashada dhexe ee maanta billaabatay, sida uu ku sheegay waraysi uu Fox news siiyay.

Hadalka Trump wuxuu u muuqan karaa mid ku wajahan shacabka Mareykanka, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan dhaliilaha gudaha ee ka dhanka ah lacagta badan ee Mareykanku siiyo Israa’iil, iyadoo dad badan ay ka cabanayaan cadaadiska dhaqaale ee gudaha dalka.

Sidaas darteed, waxaa suuragal ah in ku dhawaaqistani qayb ka tahay farriin siyaasadeed oo doorashada la xiriirta, isla markaana go’aanka dib loo eegi karo marka doorashadu dhammaato.