Dowlada Kenya Oo Diidday inuu Dalkeeda Galo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Kenya ayaa Garoonka Diyaaradaha Nairobi ka soo celisay mid ka mid ah saaxiibada ugu dhow dhinaca siyaasadda ee Xasan Sheekh, isla markaana ka tirsan masuuliyiinta Villa Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga celiyay Kenya, kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay in aan dalkaasi looga baahnayn, arrintaas oo dharbaaxo culus ku ah safka Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda lama oga sababta ugu weyn ee ay dowladda Kenya u soo celisay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Bil ka hor, sidaan oo kale, Kenya ayaa Nairobi ka soo tarxiishay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay inuu si aan sharci ahayn ku soo galay Kenya