Tuesday, November 3, 2026

Doorashada dhexe ee Mareykanka Oo ka Bilaabatay Gobollo kala duwan..

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta doorashada dhexe ee Mareykanka ayaa laga furay gobolka Vermont. Waxaa xigay oo goobaha cod bixinta albaabada loo furay gobollada New Jersey, Virginia iyo Connecticut, iyo qaybo ka mid ah Kentucky iyo Indiana.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday in ay dalka oo dhan u dirayso 1,000 kormeere doorasho, kuwaas oo ka hawlgeli doona dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka.Tiradani waa tii ugu badnayd ee abid hal mar la diro.

Doorashadan waxaa lagu tartamayaa dhammaan 435-ka kursi ee Golaha Wakiillada iyo 35 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka. Sidoo kale, codbixiyeyaasha 36 gobol ayaa dooranaya guddoomiyeyaasha gobolladooda.