Monday, October 19, 2026

Maxkamad ku taal Kenya Oo Dilka 190 Caruura ah ku Heshay Wadaadka Paul Mackenzie.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamad ku taal Kenya ayaa dembi dil ah ku heshay wadaadka Paul Mackenzie oo hoggaamin jiray koox diimeed, kaas oo lagu helay masuuliyadda dhimashada 190 carruur ah.

Wadaadkan ayaa dadka raacsanaa ku amri jiray inay carruurtooda cuntada ka joojiyaan ilaa ay gaajo u dhintaan, isaga oo ku qancin jiray inay sidaas ku gaadhi doonaan Ciise.

Waxa uu sidoo kale mamnuucay waxbarashada iyo daawada casriga ah, isaga oo ku tilmaami jiray wax shar leh.

Kiiskan oo gilgilay dalka Kenya ayaa soo shaac baxay sannadkii 2023, markii kaynta Shakahola laga helay xabaalo wadareedyo ay ku jireen meydadka in ka badan 400 oo qof.