Monday, October 12, 2026

Milatariga Itoobiya ay la Wareegay Magaalada Adigrat, Ee Gobolka Tigray

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Milatariga Itoobiya ay la wareegay magaalada istaraatiijiga ah ee Adigrat, oo ku taalla gobolka Tigray, una dhow xuduudda Eritrea.

Qabsashada ciidamada Itoobiya ee magaalada Adigrat, oo qiyaastii 30 kiiloomitir u jirta xuduudda Eritrea, ayaa yimid maalmo kaddib markii ciidamada Eritrea ay dib uga gurteen goobaha ay ku sugnaayeen.

dhinaca kale Dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda xuduudda Itoobiya iyo Eritrea, gaar ahaan aagga Bure.

Labada dhinac ayaa wada abaabul ciidan oo ballaaran.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkeen ciidamo badan oo ka tirsan milatariga Itoobiya, kuwaas oo fadhiisimo ka samaysanaya magaalooyinka Elidar iyo Bure, oo u dhow xuduudda Itoobiya iyo Eritrea.

Dhanka kale, Eritrea ayaa ciidamo badan geysay koonfurta dalka, gaar ahaan aagga xuduudda ee ku beegan Bure, dhanka dekedda Assab.

Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda aagga xuduudda, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal.